Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Qoyskii uu Ka Baxay Marxuum Xaaji Jaamac Maxamed (Caamiye)

Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Tacliinta, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid MARXUUM, XAAJI JAAMAC MAXAMED (CAAMIYE) oo ka mid ahaa Aasaasayaashii Taclinta Somaliland, Oo jimcihii ku dhintay Imaraadka Carabta (Cajman)

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Tacliinta, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.