Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Qoyskii  Iyo Eheladii Uu Ka Geeriyooday Marxuum Shidde X. Diiriye

Hargeysa  (Slpost) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu tacsi u dirayaa Madax-dhaqameedka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Xaaji Shide Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday 03.05.2016, magaalada Hargeysa.

 

 

13166087_958251800955340_1001831204009174999_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo dalkiisa u soo qabtay hawlo badan oo isugu jiray nabadayn, dib-u-dhis, iyo adkaynta wada jirka dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan gobolka saaxil oo uu ka mid ahaa madax-dhaqameedada iyo ganacsatada gobolkaasi caanka ka ahaa. Isagoo intaa raaciyey Madaxweynuhu inuu ahaa dadkii dedaalka badan u soo galay dib u xoraynta dalka iyo la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

 

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa waasaca ah ugu deeqo, jannooyinkiisa balaadhana dejiyo, Madax-dhaqameedka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.