Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Qoyska Iyo Ehelada Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada

Hargeysa (SLpost) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle haw naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Xirsi oo ku geeriyooday 29,08, 2016 Magaalada Hargeysa, Marxuumka oo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa markii uu shaqada ka baxay maanta oo Isniin ah waxa wadnaha kaga soo booday xanuun degdega kaasoo sabab u noqday geerida marxuumka.

 

Madaxweyne_Siilaanyo2013-509x264

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay masuul ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta dalka iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshada Somaliland ku dhaqan,  mudadii uu xilka qaranka hayeyna ku suntanaa karti, dedaal iyo daacadnimo, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii talada dalka u kala  dambeeyey, waxanu ka mid ahaa aas-aasayaashii xisbiga talada haya ee Kulmiye.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Naasir Yuusuf  Daahir

Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada.