Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Qaraabada iyo Ehelada Afar Qof oo Isku-Qoys ah oo Shalay uu la tegay Daadka Dooxa Caloola

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi tiiraanyo leh gaadhsiiyey Ehellada, Qoyska iyo qaraabadda Afar Marxuum oo shalay ku geeriyooday Dooxda Coloola ee degmada Laasgeel oo Qaaday.

Afartan Qof Dhammaantood Qoys ka soo wada-jeeday, ayaa shalay mar ay ka soo laabteen Tacsida Marxuum Danab ku dilay magaalada Dacar-Budhuq, ayaa Dooxda Tuulada Caloola ee degmada Laasgeel ku qaaday iyaga oo saarnaa Baabuur ay wateen oo noociisu ahaa Surf.

Dhambaalka Tacsida madaxweynaha ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamadaxweyne-siilaanyo3med Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh ee ku dhacday Dadkii Ehelka iyo xigtada isu ahaa ee ku geeriyooday shilkii baabuur ee daadku ku qaaday shalay (06/05/2013 dooxa dacar-budhuq shilkaas oo ay ku geeriyoodeen:-

  1. Marxuuma Deeqa Cabdilaahi Nuur (Ilma Xaaji Daahir Cigaal Hooyadood)
  2. Marxuuma Nadiira Cali Maxamed
  3. Marxuum Sacad Cali Maxamed
  4. Marxuum Xasan Maxamed Jibriil

Oo dhamaantood ka wada geeriyooday qoys, markii uu dooxa Dacar-budhuq la tegay gaadhigii ay saarnaayeen, Marxuumiintaas oo ka soo noqday geeri ay subaxnimadii kaga qayb-galeen, nin qoyskaasi ka mid ahaa oo Danab ku dilay Deegaanka Dacar-budhuq.

Madaxweynuhu waxa uu dhamaan MARXUUMIINTAASI  ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo Imaan uu ka siiyo.”

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xafiiska  Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.