Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Geeri ku timi Udub-dhexaad ka mid ah Raggii Dhidibbada u taagay Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ka hadlay geerida Marxuumka, ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo guud ahaan Bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Maxamed Maxamuud Kastan oo fiidnimadii caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa

madaxweyne-siilaanyo3War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada, ayuu Madaxweynuhu ku diray Tacsidaas, kaasoo qoraalkiisu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafadda Somaliland iyo Bahda Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid ALLAAH ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Kastan (M.M KASTAN) oo ku geeriyooday 11.06.2014 Caawa Hargeysa.

Marxuumka oo ka mid ahaa Aasaasayaashii dhidibbada u taagay Saxaafadda Somaliland, kana mid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee Alle hibada u siiyey Qoraalka mar walbana wax ka qori-jiray hadba wixii taagaan. Waxa uu ka soo shaqeeyey Wargeys-yada iyo Television-nada Dalka intooda badan wuxuu indhaha u jeexay da’a yarta Saxaafadda maanta ku shaqaysa intooda badan oo uu tusaale u ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Saxaafadda iyo Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

 

SOMALILANDPOST.NET