Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi tiiraanyo leh u diraya Geerida Naxdinta lahayd ee ku timi Aadan Mire Waqaf

Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM AADAN MAXAMED MIRE (WAQAF) oo ku geeriyooday Dalka Maleysiya, Xilal kala Duwana ka soo qabtay Dalka JSL, markii ugu Danbaysayna ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee Xisbiga UCID.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.