Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Indha Indheeyay Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Socda

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kormeer ku tagay  Deegaanka Biyaha Shiinaha oo ay ka socoto balaadhinta iyo biyo gelinta Caasimada Hargeysa.

Waxaana  Madaxweynaha booqashadiisan ku wehelinaayey  qaar kamida Golaha Wasiirada, Mudanayaasha Guurtida iyo  Wakiilada, Maayirka Caasimada Hargeysa , Maareeyaha  Wakaalada Biyaha, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha,  masuuliyiin ka socotay Hay’addaha UN-ka, qaar kamida Sakaariisha kala duwan ee Laamaha Amaanka.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn booqday kaamka  ay  yaalaan qalabka loogu talo galay biyo gelinta waxaana halkaasi  warbixin kooban ku siiyey Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa kana war bixiyey  agabka balaadhan ee loogu talo galay biyo gelinta Caasimada hargeysa  iyo qaabka ay hawshu socoto, sidoo kalena waxaa uu madaxweynuhu socdaalkiisa ku tegay halka ay ka socoto qodista iyo gelinta dhuumaha xanbaara biyaha oo uu soo indha indheeyey, Madaxweynuhu waxaa sidoo kale warbixin kooban ku siiyey  Maareyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa iyo sarkaal ka socday Hay”addaha UN-ka oo isna sharaxaad ka bixiyey qaabka ay u socoto hawsha biyo balaadhintu.

m3(37)

m4(35) 12002928_837458206368034_8979858884538164853_n 11223497_837458266368028_928211973746752206_n 12004941_837458066368048_7531793189893268998_n

Madaxweynaha oo kormeerka ka dib ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu daahfuray mashruuca biyo baladhinta Caasimada oo lagu qabtay Hotel Mansor hargeysa ayaa waxa ka mid ahaa Khudbadiisa ka mid ahaa “Mudanayaal iyo Marwooyin, Salaan qiimo badan ka dib, waxaan si gaara ugu mahadnaqayaa dadkii iyo Dawladihii gacanta ka geystay mashruucan, oo ay ugu horrayso Midowga Yurub (EU), Germany, World Bank iyo Dawladaha ku bahoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee UK, Denmark, Norway iyo the Netherlands.

Dawladdaydu, waxay isku hawshay sidii Dalkani u heli lahaa biyo, Dalka guud ahaan, gaar ahaanna Caasimadda oo in muddo ahba uu ka socday mashruuca biyo balaadhinta ee aynu manta joogno. Waxaa ku baxaya mashruuca biyaha ee Hargeysa xaddi lacageed oo gaadhaysa Konton Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ($50,000,000).Waxaa kaloo jira mashruuca Xumba-weyne oo isagana ay maalgelisay Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu, kaasoo isna hawshiisii gacanta lagu hayo, waxaan rajaynayaa marka mashaariicdani dhammaato, in dhibaatadii ka taagnayd biyaha Caasimadda Hargeysa laga bogsan doono.

Walaalayaal, biyuhu waa noloshii, waxaanay leedahay muhiimad iyo mudnaan, anagoo taa tixgelinayna, waxaanu isku daynay, tallaabo kasta oo dhibtan lagaga bixi karo, iyo cid kasta oo naga caawin karta in aanu la kaashanno, waxaana Illaahay mahadii noo suurtagalay hawsha ballaadhan ee aad indhihiina ku aragtaan wakhti dhawna laga cabi doono Haddii Illaahay ka dhigo.”