Madaxweyne Siilaanyo oo Si Adag u Difaacay Wasiirkiisa Arrimaha Debedda ‘Wasiir Max’ed C/laahi wuu joogayaa’

Dr Axmed-Siilaanyo

London (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si adag u difaacay shaqada uu Hayo Wasiirkiisa Arrimaha Debedda Dr Maxamed Saleebaan Cumar oo dad badani ku dhaliilaan inuu ku fashilmay siyaasadda khaarajiga ee Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii xukumadda ee socdaalkiisa London ku wehelinayey oo xalay ka qayb-galay munaasibad ay soo qaban-qaabiyeen jaaliyadda Somaliland, taas oo ku qabsoontay Hotel Sheraton oo ku yaala galbeedka London.

Dr Axmed-Siilaanyo
Dr Axmed-Siilaanyo

Kulanka Xog-waraysiga weftiga madaxweynaha iyo Jaaliyadda Somaliland Dhexmaray, ayaa ka dhex-kacay Maxamed Haaruun oo ka mid ah Qurbejoogga UK, waxaanu goobtaas ka akhriyey warqad uu sheegay in Wasiirka Arrimaha Debedda Dr Maxamed C/laahi Cumar uu qoray, taas oo sida uu Maxamed Haaruun Sheegay, uu wasiirku kaga warramay rejadii gooni-isu-taagga Somaliland oo uu ku tilmaamay mid fashilantay.

Haseyeeshee, madaxweyne Siilaanyo oo madashaas ka hadlay, ayaa si adag u difaacay hawlaha shaqo ee uu u igmaday Wasiirkiisa Arrimaha Debedda oo uu ku ammaanay doorka uu ka qaatay siyaasadda Arrimaha Debedda ee Xukuumaddiisa.

“Wasiir Maxamed Cabdilaahi wuu joogayaa shaqada waligiiba,” ayaa ka mid ahaa Hadalkii Madaxweyne Siilaanyo ku difaacay wasiirkiisa Arrimaha Debedda.

Somalilandpost/UK