Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga Ugu Baaqay In La Iska Kaashado Difaaca Qaranimada Somaliland

Hargeysa (SL.Post) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo salaadii Ciidal Adxa la tukaday bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa shacbiga ugu baaqay in la iska kaashado difaaca qaranimada iyo jirtaanka Somaliland.

 

14292416_1050730125040840_8373195954044246194_n

 

“Waxaan idinkula dardaarmayaa dhammaantiin:-

  • in aynu dhinac uga soo wada jeesanno ilaalinta nabadgelyada iyo difaaca qarannimadeenna.
  • in aynu ilaalinno wada-jirka iyo isku-duubnida dhexdeenna.
  • in aynu is-gargaarno, isla markaana caawinno kuweena taagta daran ama tabaalaysan.
  • in aynu isu caqli-celinno, wanaagga is-farno, xumahana iska reebno.
  • in aynu ka wada qayb-qaadanno horumarka iyo dib-u-dhiska dalkeenna hooyo.

 

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu inaga aqbalo acmaashii suubanayd ee aynu samaynay maalmahan khayrka badan”.

 

 

Waxanan u ducaynayaa inta bukhta ee xaalad caafimaad u jiifta, awoodina wayday inay inala ciidaan maalintan qiimaha badan, waxanan Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado xanuunka, Aamiin Aamiinintii, Intii dhimatayna waxan Alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo una naxariisto.

 

 

Somalilandpost.net