Madaxweyne Siilaanyo oo Shacbiga Somaliland ugu Bushaareeyey Bilashada Bisha Ramadaan

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa bilashada bisha Barakeysan Ramadan awgeed, waxa uu hambalyo iyo Bushaaro u diray Shacabiga Somaliland isaga oo Ebbe uga baryey inay Sannadka Sannadkiiba Barwaaqo ku gaadhaan.

Dhambaal Saxaafadeed kooban oo xambaarsan Hambalyada iyo Ducada Madaxweynaha, ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba Dalka Guddihiisa & Debediisaba ugu Bushaararaynaa uguna Hambalyeynayaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay ILLAAHAYna waxa uu uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo, waxa kale oo madaxwaynuhu uu Dhambaalkan mid la mida u Dirayaa Shucuurta islaamka ee Caalamka oo dhan.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net