Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga Ku Hanbalyeeyay Ciidal Adxada

 

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shacabi weynaha reer Somaliland ku hanbalyeeyay ciidal Adxada oo caawa soo galaysa, waxa uu madaxweyuu sidoo kale shacabka hawada u soo mariyay dhanbaal duco ah, waxaanu qoraal la soo baxay madaxtooyadu u dhignaa sidan

“Hambalyada Madaxweynaha ee Ciidal Adxa

Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima aw-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu shacbiga Madaxweynuhu leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo, inta Bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo.”