Madaxweyne Siilaanyo oo Shacbiga Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timi Xaaji Daahir Cilmi Ducaale

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo ahaa tiir ka mida tiirarka uu qarankani ku faani jiray, maanta oo ay taariikhdu tahay 30/08/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dalka iyo qaranba ku dhexleh taariikh iyo magac, kana mid ahaa odayaashii u horeeyey ee u guntaday sidii qaranka Somaliland dhidibada loogu taagi lahaa, isaga oo ka soo shaqeeyey shirarkii taariikhiga ahaa ee Somaliland ku muujisay gooni isu taageeda nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.

waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

   Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.