Madaxweyne Siilaanyo oo Shacbiga Hanbalyo Ugu Soo Diray Dhashada Sanadka Cusub 2016 Una Rajeeyay Barwaaqo

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shabiga Somaliland ku hanbalyeeyay dhalashda sanadka cusub 2016, waxaanu ugu duceeyay shacbi weynaha reer Somaliland nabadqab iyo barwaaqo.

Waxa uu sidan ku sheegay madaxweynuu qoraal uu warbaahinta soo gaadhsiiyay oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxweynaha Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) oo u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Hambalyo iyo Salaan ku saabsan munaasabadda Sannadka Cusub ee 2016-ka u dirayaa dhammaanba Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibeddaba. Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed, Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo iyo Salaanba u dirayaa dhammaanba Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidamada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiinba.

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ALLAH uga baryayaa inay Sannadka 2016-ka kiisa kale ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo iyo Horumar. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu Shucuubta Bulshada Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2016-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasilooni.”