Madaxweyne Siilaanyo oo Sarkaal Booliska ka tirsan u magacaabayTaliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska

Hargeysa, 31 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto uu caawa soo saaray  Taliyaha Ciidanka Booliska ugu magacaabay Cabdilaahi Fadal Iimaan oo hore u ahaa hoggaanka hawl-gelinta ciidanka Booliska Somaliland ka dib markii uu geeriyooday Taliyihi hore ee Booliska Somaliland Md. Maxamed Saqadhi Dubad.

Warsaxaafadeed goor-dhawayd ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada oo xambaarsan digreetada madaxweynaha ee magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-1017/032012, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:              Ahmiyadda ay Ciidanka Booliisku u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagadda Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:          Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:            In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdilaahi Fadal Iimaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net