Madaxweyne Siilaanyo oo sameeyey Magacaabis iyo Xil-ka-qaadis Heer Wasiir ah

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Cali Xaamud Jibriil, waxaanu xilkaas u magacaabay Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo Xilalka Wasiirka Qorsheynta iyo Warfaafinta ka soo qabtay Xukuumaddii Daahir Rayaale.

A-A-A-SIILAANYOWaxaa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay Galabta oo Xambaarsanaa Digreetada Madaxweynaha Somaliland magacaabista iyo xil-ka-qaadista Wasiirradaas ku sameeyey iyo qodobbada Dastuuriga ah ee uu u cuskaday, waxaanu war-saxaafadeedku u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4923/072017 uu xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada, kuna magacaabay wasiir cusub.

Xilka Qaadista Madaxweynuhu ku sameeyey wasiirku waxay u dhignayd sidan: Ku: Mudane, Cali Xaamud Jibriil  Wasiirkii Hore Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada.

Ujeeddo:-  Xil-ka Qaadis; Mudane, Waxaan kaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka qaranka ee Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaa, waxaanan kaa  rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo aan xilkaa u soo magacaabay.

Magacaabista Madaxweynaha ee Wasiirka Cusub. Madaxweynuhu: Markuu Arkay:- Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey:- Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay:- In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yada.

Markuu Ka Fiirsaday:- Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday; In Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yada ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi Digreetadaas Madaxweynaha.