Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Shaqo Ugu baxay Dalka Ireland, Madaarkana Kula Kulmay Madaxweyniii hore ee JSL

Hargeysa(SLpost) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa subaxnimadii hore ee saaka ugu ambabaxay safar shaqo dalka Ireland, iyaga oo sii mari doona Dubai.

 

Madaxweynaha waxay ku kulmeen qolka martida ee garoonka Diyaraaha ee Cigaal International Airport Madaweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa Huda Barkhad Aadan oo ay weftiga madaxweynaha Qaranka isku Diyaarad ka raaceen Hargeysa, iskuna gacan qaadeen halkaasi.

 

Madaxweynaha oo saxaafada warbixin ka siiyey safarkiisa shaqo ayaa yidhi “Waxaan jecelahay in aan faahfaahin kooban idinka siiyo socdaal rasmi ah oo aan maanta ugu ambabaxaayo wadanka Ireland oo aan ku tegayo booqosho rasmiya”.

“Waxaanan kulamo aniga iyo weftiga ila socdaa aan la yeelan doonaa hadii alle idmo madaxweynaha IRELAND iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan isla wadankaasi, anigoo kala hadli doona qadiyada Somaliland iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada wadan, Isla markaana waxaanu u bandhigi doonaa aragtida qaranka Somaliland ee ku wajahan xaqa shacabka Somaliland ay u leeyihiin dawladnimadooda oo muddo dheer dhinac-dhaqaale, degenaansho, siyaasadeed, iyo dawladnimo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga Somaliland ay dadka reer Somaliland ku guulaysteen, una baahan yihiin in gacan laga siiyo hawlahaasi ay ku mashquulsan yihiin dawlada iyo shacbiga Somaliland” ayuu yidhi madaxweynaha qaranku.

 

Isaga oo madaxweynuhu hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Socdaalkani wuxuu ka mid yahay socdaaladii aan horeba ugu tegi jiray wadamada caalamka si aan ugu bandhigo, uguna qanciyo beesha caalamka waxa ay mudan tahay Somaliland in laga yeelo. Waxaanan sii mari doonaa Imaaraadka Carabta ka dibna waxa aanu uga sii gudbi doono Ireland. Shacbiga Somaliland waxaan ku waaninayaa in sidii ay awalba heeganka ugu ahaayeen nabadgelyada qaranka ay sii xoojiyaan.”