Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ku Tagaya Itoobiya

(SL.Post) Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa safar ku tagaya dalka Itoobiya.

index

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadu ka soo saartay socdaalka Madaxweynaha, laakiin warar uu Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweynuhu dalkaas ku tagi doono socdaal shaqo oo la sheegay inuu dib uga dhacay wakhtigii uu ku sugnaa dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha, ayaa la filayaa inuu la kulmo raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ammaanka iyo siyaasadda.

Somalilandpost.net