Madaxweyne Siilaanyo oo Saaka ku waabaristay Xarunt Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Dareenadda ku xeeradan booqashaddiisa + Sawiro

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka abaaro 7:30 subaxnimo booqasho kedis ah ku tagay xarunta dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa.

Booqashadan Madaxweyne Siilaanyo ku tagay xarunta dawlada hoose ayaa la xidhiidhay sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa shaqada ka socotada xaruntaasi oo cabashooyin baddani ka soo yeedheen “Waxaan halkan idiinku imid sidda ay shaqada dawladda hoose u socoto in aan xogogaal u noqdo iyo halka ay wax idiin marayaan. Markaa cabasho badan ayaa ka jirta waddooyinka nidaamintoodda, wixii idiin qabsoomayna waa fiicantahay wixii dhimana waxaa la doonayaa inaad wax ka qabataan cabashooyinka oo aad wax ka qabataan.”ayuu yidhi  Madaxweyne Ahmed  Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waqtiga uu marayay dawladda hoose inta badan kuma ay sugnayn shaqaalihii ka hawl-gelayay iyo xataa Kusimihii Maayarka Caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcade, goobaha uu madaxweynuhu  kormeerka ku soo marey ayaa kala ahaa xafiiska agaasimaha Maamulka Shaqaalaha, Xafiiska Kaydka Faylasha, Xafiiska Kala wareejinta Dhulka iyo qabashada lacagta qalaad iyo Xafiiska Waaxda Cashuuraha oo madaxweynaha warbixin dheer ka siisayey wixii u qabsoomay Saddex biloodkii u danbeeyey iyo lacagaha u soo xarooday.

Madaxweynaha Jamhuuriayda Somaliland waxa kormeerkiisan kediska ah ku wehelinaayey Wasiirada Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale Duur, Taliyayaasha Ciidanka booliska  Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta iyo masuuliyiin kale.
SomalilandPost.net
Hargeysa/Somaliland