Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay Wefti Ganacsato Turki ah oo dalka soo gaadhay iyo nuxurka Arrimo laga wada-hadlay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ganacsato ah oo ka socda waddanmka Turkiga, kuwaas oo dalka u yimi sidii ay u indho-indhayn lahaayeen fursado maalgashi oo ay ka sameeyaan waddanka.

Weftiga ka socda dalka Tukriga oo ka kooban Ganacsato fursado maal-geshi ka raadinaya Somaliland oo dalka soo gaadhay Jimcihii, waxa uu madaxweynuhu ku qaabilay kulan ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Muuse Qaasim, Wasiirka Arrimaha dibeda Mudane Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka Qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Md Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

DSC_0190In kasta oo aanay warbaahintu goob-joog ka ahayn kulan dhexmaray madaxweynaha iyo wefiga ganacsatada Turkiga ah, waxa markii uu shirkaasi soo idlaaday warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo hoggaamiyaha ganacsatada Turkiga Mohmeh Tors oo sharraxayay waxyaabaha laga wada-hadlay.

“Waxa halkan nala jooga wefti aad u ballaadhan oo ka yimi dalka Turkiga oo ganacsadayaal ah oo doonaysa inay waddankeenna maalgeshi ku sameeyaan. Markii ay madaxweynaha la kulmeen wuxuu u sheegay inay Somaliland tahay waddan diyaar u ah horumar iyo maalgashi, waddan dadkiisu yihiin ganacsato oo jecel inuu dadka soo dhaweeyo,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi,“Anigoo ku hadlaya afka dawladda iyo shacabka Somaliland waxaan idinku soo dhawaynaynaa gacmo furan, waxaananu dawladda Turkiga uga mahad-celinaynaa doorka ay ka galeen wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu yahay qasdigeedu sidii Somaliland madax-bannanideeda gooni isugu taagi lahayd oo aanu jecelnahay inay aad noogala shaqeeyaan.”

Sidoo kale Mr Mohmeh Tors oo hoggaaminayey weftiga ganacsatada Tukriga, ayaa yidhi, “Haddaanu nahay weftiga ganacsatada Turkiga ah waxa inaanu halkan nimaadno naga ogolaaday madaxweynaha Somaliland, aad baananu ugu faraxsannahay inaanu la kulanno madaxweynaha iyo wasiirrada.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaanu doonaynaa inaanu sii kobcinno xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Turkiga. Waa Tallaabadii u horeysay oo muhiim noo ah annaga inaanu halkan nimaadno, marka kalena si dhakhso leh ayaanu halkan ugu soo laaban doonaa annaga oo wadna ujeeddayada dhabta ah iyo iskaashiga aanu doonayno inaanu la yeelano Somaliland.”

Somalilandpost.net