Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Wafti Ka Socda dalka Kuwayt Oo Arimaha Abaaraha Dalka U Yimi

 

Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxaned Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wafti ka socday  dalka kuwait oo uu hogaaminaayey madaxa hay”adda samofalka  kuwait fan oo uu hogaaminaayey Sacad Al Cuyabi oo madax u ah in ka badan afartan dawladood.

mudadii kulankaasi socday waxa lagu lafa guray sidii door wax ku ool ah ay hay’adani samafalka ahi uga qayb qaadan lahayd caawinta iyo dardargalinta shacabka Somaliland gaar ahaana dadkii ay abaaruhu ku dhufteen ee galbeedka iyo waqooyiga dalka.

11934969_734085153368698_3584382946400805592_n11863447_734085173368696_8467305180315987276_n

Maareeyaha xafiiska Samafalka Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo weftigaasi ka codsaday in dawladda Kuwait kaalin ka qaadato wax ka qabashada abaaraha wakhtigan Somaliland ka jira. waxa uu sidoo kale ka codsaday in mashaariicda hay’addan Kuwait fund dalka ka wado ay sii balaadhiso.

madaxa waftigan kuwait fan sacad al cuyabi oo isna ka hadlay ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen madaxwaynaha ay kaga hadleen siddii hay’adani ay u xoojin lahayd kaalmooyinka horumarineed ee ay ugu talogaleen shacabka Somaliland waxaanu iftiimiyey in hay’adani dhistay dugsiyada waxbarashada agoomaha ee ku yaala bariga hargaysa waxa kale oo uu tilmaamay in uu hada socdo dugsigii hablaha ee agoomaha oo isla dugsigaasi inamada ka soo horjeedda.

Gebagebadii waxa uu madaxwaynaha uga mahad ceyey soo dhawaynta diiran ee uu kala kulmay shacbiga iyo Dawladaba.