Madaxweyne Siilaanyo oo muujiyey Dareenkiisa ku aaddan Dagaalka maanta isla markaana mar kale gogol-nabadeed ugu Baaqay Beesha Buuhoodle

Hargeysa, 01 April, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inuu ka xun yahay dagaallo maanta ka dhacay laba aag oo ku yaala Koonfurta Laascaanood iyo Buuhoodle isla markaana mar kale baaq nabadeed u diray siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beelaha Sool iyo Buuhoodle.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo hadal fariin warbaahinta u mariyay Duqayda, Waxgaradka, Garaadada Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta Dhalinyarada iyo Haweenka ku dhaqan deegaanada Gobolada Bari gaar ahaan Sool iyo Buuhoodle

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay jiraan dad Colaad hor leh dadka wada dhashay ee ku nool Somaliland waxaanu xusay in dagaalka wax ku xumaada mooyee aanay jirin wax ku hagaagayaa Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” waxa uu ku celiyay gogol nabadeed oo lagu soo afjaro wixii tabasho ah ee jira isla markaana wada hadal lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira Madaxweynuhu wuxuu  intaas ku daray inuu ku rajo weyn yahay in bulshada deegaankaasi ay garowsan doonaan gogosha nabada , waxaa kale oo Madaxweynuhu uga digay dadka fidmo wadayaasha ah ee hurinaya balaayada sidii looga digtoonaan lahaa.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net