Madaxweyne Siilaanyo oo masuuliyiin Cusub xilal u magacaabay

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta gelinkii dambe digreeto uu soo saaray waxa uu xilal ugu magacaabay Wasiir ku-xigeen cusub oo wasaaradda Kheyraadka Baddu yeelanayso halka uu la-taliyihiiisa gaarka ah ee Arrimaha bulshada uu masuul cusub u magacaabay.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaradda Kalluumaysiga u magacaabay inuu noqdo Cabdi-kariin Axmed Mooge, halka la-taliyihiisa gaarka ah ee Arrimaha bulshada uu u magacaabay Maxamed Iid Dhinbiil.

Warsaxaafadeed xambaarsan xilalka madaxweynuhu magacaabay oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2624/072014 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                                   Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                           Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                                   In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:                      Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:                         In uu hanan karo xilkan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi-kariin Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                                   Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                           Ahmiyadda weyn ee ay La-taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                                   In baahi loo qabo buuxinta jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday:                      Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:                         In uu hanan karo xilkan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Iid Dhinbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.”