Madaxweyne Siilaanyo oo markii u horeysay Booqday Fadhiisimada Jiidda hore ee Ciidanka Qaranka (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey ku gudo-jiray socdaal ay ku marayaan gobollada dalka, ayaa maanta markii u horeysay booqasho ugu tagay Ciidamada Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay aagga Gambadha oo masaafo 30 KM ah dhinaca Koonfur-Bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Md Axmed Siilaanyo iyo weftiga uu hoggaaminayo oo shalay si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood oo uu uga gudbay fadhiisinka Ciidanka qaranka ee Gambadha, waxa uu halkaas kaga qayb-galay Carbis loo sameeyey cutubyo ka tirsan Ciidanka ee Jiidaha Hore ee gobolka Sool, waxaanu halkaas uga jeediyey hadal guubaabo iyo mahad-naq isugu jira, isaga oo ciidamada qaranka ku ammaanay gudashada waajibaadka saaran iyo difaaciska qaranimadooda.

siilaanyo_Gambadha (4)Munaasibad lagu qabtay Fadhiisinka Ciidanka Qaranku ku soo dhawaynayeen madaxweynaha Somaliland oo ay ku wehelinayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, taliyaha Ciidanka Qaranka, kuwaas oo hadallo dardaaran iyo dhiirrigelin ah u jeediyey Ciidanka.

“Sharaf weyn bay noo tahay aniga iyo weftiga ballaadhan ee ila socda inaanu halkan idinku nimaadno idinka oo ah ciidamada jiidda hore ee Qaranka. Aad baanu idinku faanaynaa, umaddu aadbay idinku faantaa, waxaad tihiin dadkii umadda iyo dalkan difaacayey, heeganka u ahaa, daacadda u ahaa, mar walba diyaarka u ahaa inay naftooda u huraan difaacista Qaranka iyo midnimadiisa,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayey kumanaan ka tirsan ciidanka Qaranka fadhiisinkoodu yahay fadhiisimada Jiidda hore ee Gambadha.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “In kasta oo aanu wararkiina helno oo masuuliyiintiinnu noo soo gudbiyaan, laakiin waxanaanu u nimi halkan u nimid inaanu indhahayaga ku soo aragno, idiin mahad-naqno oo idin faanino.”

DAAWO SAWIRRADA

siilaanyo_Gambadha (1) siilaanyo_Gambadha (2) siilaanyo_Gambadha (3) siilaanyo_Gambadha (4) siilaanyo_Gambadha (5) siilaanyo_Gambadha (6) siilaanyo_Gambadha (7) siilaanyo_Gambadha (8) siilaanyo_Gambadha (9) siilaanyo_Gambadha (10) siilaanyo_Gambadha (11) siilaanyo_Gambadha (12) siilaanyo_Gambadha (13) siilaanyo_Gambadha (14) siilaanyo_Gambadha (15) siilaanyo_Gambadha (16) siilaanyo_Gambadha (17)