Madaxweyne Siilaanyo oo Mar kale Xisbiga Waddani ku celiyey Xubin ay u magacaabeen Guddiga Doorashooyinka

siilaanyoHargeya (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa digreeto uu caawa soo saaray, waxa uu mar kale Xisbiga Waddani dib ugu celiyey xubin hore uga tirsanaan jirtay xisbigaas oo ay u soo xusheen xubinta u metalaysa guddiga doorashooyinka Qaranka, ka dib marka ay dhammaato muddo-xileedka guddiga doorashooyinka oo ku eg bisha dhammaadka bishan.

Xubinta Xisbiga Waddani u magacaabay guddiga doorashooyinka, ayaa xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo xilkaas iyo xubinimada xibsiga iska casilay horaanta bishii siddeed ee sannadkan.

Warsaxaafadeed lagu shaaciyey digreetada madaxweynaha oo caawa ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XMW/0092814/102014, uu dib ugu soo celiyey Xisbiga Waddani inay Dib-u-soo Xulaan Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Ujeeddo Madaxweye:       Dib-u-soo Xulid, Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka

Mudane Guddoomiye,

Tixraac qoraalka Xisbiga WADDANI ee summaddiisu tahay XIS/WAD/XDH/165-2014, kuna taariikhaysan 02/10/2014, ujeedadiisuna tahay jawaab celinta Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI oo aad dib ugu soo sharaxday Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

Haddaba, waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka 12aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, qoraalkaaguna kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid ahay Xisbiga WADDANI.

Sidaas darteed Mudane Guddoomiye, waxaan go’aamiyey in aan mar labaad dib idiinku soo celiyo Xubinta aad ii soo gudbiseen, waxaanan idinka rajaynaya inaad soo gudbin doontaan xubin buuxin karta shuruudaha Xeer Lr.20/2001 uu tilmaamay,” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi digreetadiisa.

SOMALILANDPOST.NET