Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabis cusub iyo Xil-ka-qaadis ku sameeyey Xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumadda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa soo saaray digreetoo uu magaacis cusub iyo xil-ka-qaadis ku sameeyey Maamulka gobolka Buuhoodle ee Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Buuhoodle, halka sidoo kale uu xulkii ka qaaday guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Buuhoodle Cabdi-qani Cabaas Muuse.

siilaanyoSida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Xafiiska xidhiidhka Saxaafadda ee Madaxtooyada Cabdinaasir Yuusuf Daahir, waxa uu madaxweynuhu guddoomiyaha gobolka Buuhoodle u magacaabay Cismaan Ciise Maxamed inuu noqdo Badhasaabka gobolka Buuhoodle

Warsaxaafadeed lagu faafiyey digreetada madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2823/102014, waxa uu Xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle, kaas oo booskiisa aanu madaxweynuhu weli cid u magacaabin.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                  Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay:          Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Garwaaqsaday:                In baahi loo qabo buuxinta xilka Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle;

Markuu La Tashaday:     Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu ku qancay:                         In uu hanan karo xilkan;

Wuxuu go’aamiyay

In Mudane, Cismaan Ciise Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ku: Mudane, Cabdi-qani Cabaas Muuse

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle

Mudane,

Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo shaqada Qaranka.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)

Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.