Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Xubnaha ku jira

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  magacaabay xubnaha guddida diiwaan galinta ururada Siyaasada ee dalka, taas oo dhamaystir ka dhigaysa, dhaqan galka iyo hirgalinta furashada ururo siyaasadeed oo tira badan oo dalka ka ka hirgala, isla markaana noqonaysa talaabadii u danbaysay ee geedi socodkii taaba galinta arrintan oo wajiyo kala duwan soo martay sida ansixintii labada gole baarlamaan (Wakiiladda iyo Guurtidu) meel mariyeen sharciga furashada ururada siyaasada ee dalka iyo saxiixidii uu dhawaan qalinka ku duugay madaxweynuhu.

Xubnaha uu Madaxweynuhu u magacaabay diiwaan galinta ururada siyaasada ee dalka ayaa ka kooban todaba xubnood oo xubin ka mid ahii ka tirsanaa golihii wasiiradii u danbeeyay xukuumadii Rayaale.

Haddaba warsaxaafadeed afhayeenka Madaxtooyadu ku saxeexan yahay oo lagu shaaciyay magacaabista guddidan ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu caawa xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0170/092011 ku  magacaabay Guddida diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Madaxweynuhu :   Markuu Arkay:   Qodobka 9aad iyo 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Qodobka 3aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011,

Markuu Tixgeliyey:  Baahida loo qabo in la magacaabo Guddida Diiwangelinta Ururada Siyasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL. Wuxuu go’aansaday, In uu magacaabo Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL, Guddidaas oo ka kooban 7 xubnood, oo ay kala ah:

1.       Cabdalle Ibraahim Maxamed

2.      Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)

3.      Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan

4.      Cumar Xasan Jaamac

5.       Maxamed Cabdi Maalik

6.      Aadan Geedi Qayadi

7.       Ismaaciil Cabdilaahi Cali”

 ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com