Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddida Qaban-qaabada Maalinta Qaran Ee 18 May

Hargeysa, (SLP)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay Guddida qaban-qaabada xuska maalinta qaran ee 18-ka May oo muddo koobani ka hadhsan tahay.

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha xafiiska af-hayeenka madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir, ayaa lagu faahfaahiyay xubnaha uu madaxweynuhu u magacaabay qaban-qaabada xuska qaran ee 18-ka May, waxaanu u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3185/042015 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

 

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye)

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-Miyiga

Ku:       Duqa Caasimadda Hargeysa

Ku:       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada

Ku:       Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Aadamaha

Ku:       Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac

Ku:       Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

Ujeeddo:-Magacaabid Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sannad guuradda 24aad ee maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.

Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 24aad ee maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan ka rajaynayaa in ay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

 

Somalilandpost.net