Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Gelinkii Dambe ka dhoofay Dalka, una sii Jeeda Britian

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta gelinkii dambe ka dhoofay gegida diyaaradaha Caalamiga ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa isagoo ku sii jeeda Waddanka Ingiriiska oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Somaaliya.

safarka siilaanyoMadaxweyne Siilaanyo oo ay safarkiisa ku weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada, oo sii mari-doona dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa dalka Britain kala hadli doono arrimo khuseeya Somaliland, walow uu dalkaas ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya oo shalay kulmo la lahaa Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameroon.

safarka siilaanyo (6)Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo warbaahinta kula hadlay gegida diyaaraha ka hor intii aanay ka dhoofin madaarka, ayaa socdaalka madaxweynaha ku micneeyey mid la xidhiidha cilaaqaadka wada-shaqayneed ee Somaliland la leedahay Britain iyo sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga mandaqadda.

safarka siilaanyo (5)Dhanka kale, madaxweyne Siilaanyo oo la filayey inuu Saakaba u amba-baxo socdaalkiisa, ayaa baaqday muddo dhowr saacadood ah, iyada oo khilaaf soo kala dhex-galay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo ka biyo-diiday digreeto xalay xilka lagaga qaaday guddoomiyihii gobolka Awdal Axmed Sidci.safarka siilaanyo (4)

safarka siilaanyo (3)safarka siilaanyo (2)Digreetadan madaxweynuhu xilka kaga qaaday masuulkaas, ayaa daboolka ka qaaday khilaaf huursanaa oo labada masuul u dhexeeyay muddooyinkii u dambeeyey, kaas oo salka ku haya arrimaha xiisadda ka taagan degmada Saylac iyo dhacdooyin todobaadkan ka dhacday degmada Boorama  ee xarunta gobolka Awdal.

SOMALILANDPOST.NET