Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Dhagax Dhigay Waddada Geeldoora Iyo Dekedda Laasqorey

Ceerigaabo(SLPOST)Madaxweyne Siilaanyo Iyo Weftigiisa Oo Subaxnimadii hore ee Saaka ku waabberiistey Degmada Laasqoray Ee Xeebta Waqooyi-bari Gobolka Sanaag ayaa waxa halkaas si weyn loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisan.

IMG_03481-216x125

Madaxweynaha ayaa booqday Iskuulka Degmadan iyo weliba goobaha wershedaha ee Ceel-macaan oo iyadu 15-km jahada bari ka xigta magaalada Laasqoray Masaafada socodka madaxweynahana ka dhigaysa 150-km oo jahada bari ay uga keceen magaalada Maydh. Sidoo kalena waxay weftigu intii ay ku sugnaayeen gudaha Laasqoray la kulmeen bulshada halkaas ku dhaqan. Iyadoo madaxweynuhu dhagax dhigay dhismaha Dekedda magaalada Laasqoray iyo Waddada Geeldoora ee u dhexaysa Laasqoray iyo Badhan Halka wasiirradii weheliyeyna mid kastaaba ballan qaaday inuu wax ka qabanayo baahiyaadka kale ee degmadaas wixii isaga ka quseeya, waxana Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisani goor dhoweyd dib ugu soo ambabexeen dhinaca magaalada Maydh oo ay saaka waabberigii hore uga jarmaadeen dhinaca Degmada Laasqoray halkaas oo ay qadada maanta ku leeyihiin.

Ilaa hadda Lama oga madaxweynaha iyo weftigiisu inay caawa u hoyan doonaan magaalada Maydh iyo inay uga soo galab-carraabi doonaan dhinaca magaalada Ceerigaabo.

Waxana xusuus mudan in ay tahay markii ugu horraysey ee Madaxweyne Somaliland gaadho gudaha magaalada Laasqoray iyadoo ay gebi ahaanba madaxweyne halkaas tegey ugu danbaysey 1964 xilligii dawladdii Madaxweynaha ka ahaa C/ashiid Cali Sharma’arke Ra’iisal-wasaarahana uu ka ahaa Maxamed Ibraahin Cigaal.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somalilamd