Madaxweyne Siilaanyo oo laba Sanno ka dib Markii u horreysay Booqday Xafiiska Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Caasimada Hargaysa .

Madaxweynaha Waxaa ku qaabilay Xarunta Xisbiga Kulmiye Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ,Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbigaasi Mudane Maxamed Kaahin Axmed,Garabka haweenka ee Xisbigaas.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu madaxweynaha uga mahadceliyay booqashadan uu ku yimid xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah, waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye balanqaaday inay kalsooni buuxda ku qabaan natiijo kasta oo ka soo baxda Komiishanka Doorashooyinka Qaranka,gaar ahaan ta Golayaasha Deegaanka ee ku mudaysan 28 bishan oo ah maalinta Arbacada.

Intaas kadib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa mahadcelin u soo jeediyay hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaasha Xisbul Xaakimka Kulmiye waxaanu xusay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Xarunta Xisbiga oo uu mudo dheer xafiis u ahayd gaar ahaan xiligii uu Mucaaridka ahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan ku guubaabiyay inay ilaaliyaan nabadgalyada iyo midnimada Qarankan isla markaana ay codkooda maalinta doorashada si nabadgalyo ah ku dhiibtaan. Isagoo si gaar ah uga dalbaday inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE si ay horumar u gaadhsiiyaan maamulka dawladaha Hoose ee dalka.

Madaxweynaha waxaa kormeerkan ku wehelinayay Marwada Madaxweynaha Aamina Sh,Maxamud Jirde,Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada,Kalluumaysiga,Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta iyo Madax kale.

Waa Booqashaddii u horreysay ee Madaxweynuhu ku tago xaruntii xafiiskiisii hore, waxaanay ku soo beegantay laba maalmood ka hor xiliga ay dhacayso doorashadda Goleyaasha deegaanka oo noqonaysa doorashadii shanaad ee Somaliland ka dhacda, isla markaana ah doorashadii u horeysay laba sanadood iyo dheeraadkii ay xukuumadiisu xilka qaranka haysay.

Somalilandpost.net/Hargeysa