Madaxweyne Siilaanyo oo la Ciiday Dufcaddii Saddexaad ee ka Qalin-jabisay Jaamacadda ALPHA (SAWIRRO)

HARGEYSA (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo Hotel Maansoor loogu qabtay Dufcaddii Saddexaad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda ALPHA ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadda oo shalay ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxa madaxweynaha ka sokow ka qayb-galay wasiirro xukuumadda ka tirsan, maamulka Jaamacadda, xildhilaanno, masuuliyiin ka tirsan xisbiyada Mucaaradka, Waalidiinta Ardayda Qalin-jabisay iyo marti-sharaf kale.

DSC_0155Guddoomiyaha Jaamacadda ALPHA University College Prof Cabdiraxmaan Maxamed Maal oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ka war-bixiyey muddadii ay ardaydu waxbarashada ku gudo-jireen, marxaladihii kala duwanaa ee ay soo marreen iyo dedaal ay muujiyeen, waxaamu ku hanbalyeeyey guud ahaanba ardaydan ka qalin jabisay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Guddoomiyaha Jaamacadda ALPHA waxa uu si gaar ah u tilmaamay inay maamul ahaan ka go’an tahay sidii ay u soo saari lahaayeen arday aqoontoodu dhisan tahay oo waddanka wax ugu qabta Cilmiga ay ku bartaan Jaamacadda.

DSC_0202Wasiirrada Waxbarashada iyo Arrimaha Gudaha oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey Qalin-jabinta ardayda Jaamacadda ALPHA, waxaanay ku dhiirri-geliyeen inay Aqoontooda iyo cilmiga ay barteen uga faa’ideeyaan dalkooda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda loo qabtay qalin-jabinta Ardayda jaamacada ALPHA, ayaa u hanbalyeeyey guud ahaanba ardaydaasi, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay aqoonta ay ardaydan, dalkooda u soo barteen, isaga oo xusay inay xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin da’da yarta mutacalimiinta ah ee dalka wax u baratay.

DSC_0145Madaxweynaha Somaliland waxa uu si gaar ah u hambalyeeyey laba ka mid ah ardayda ka qalin jabisay jaamacada, kuwaas oo ah arday naafo ah. Waxa kale oo uu madaxweynaha halkaas shahaadooyin iyo Abaalmarinno bilado ah oo jaamacaddu ugu talo-gashay ku guddoonsiiyey ardaydii ugu sarreysay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Ugu dambayntii, masuuliyiintii ka hadashay madashada Qalin-jabinta Jaamacadda ALPHA, waxa ay dhammaantood u hanbalyeeyey ardayda oo ay u rejeeyeen mustaqbal fiican.

DSC_0177 DSC_0207 DSC_0007 DSC_0028