Madaxweyne Siilaanyo oo Kumanaan Shacabka Reer Hargeysa la oogay Salaadda Ciidul-Adxada iyo Jewigii Suuqa Hargeysa oo uu Lug ku dhexmaray

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa saaka la tukaday kumanaan ka mid ah shacbiga ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu kala qayb-qaatay Salaadda Ciidal Adxa oo uu kula tukaday Musjid-jaamaca weyn ee Hargeysa.

DSC_0167Madaxweynaha oo Salaada ka dib khudbad kooban  jeediyey, ayaa shacbiga ku Hambalyeeyey Munaasibada Ciidal Adxa, waxaanu  u rejeeyey guul iyo barwaaqo inay ku gaadhaan sannad sannadkiisa.

Md Siilaanyo waxa uu shacbiga Somaliland ku amaanay dhiirranaanta iyo feejignaanta ay qarankooda la barbar taagan yihiin, waxase uu ku boorriyey inay nabadgelyada ilaashadaan kuna dedaalaan inay meel uga soo wada-jeestaan cid kasta oo dibin-daabyo ku haysa qaranimadooda.

Jewigii Suuqa iyo Tamashlihii Siilaanyo

DSC_0472Khudbadda ka dib waxa uu madaxweynuhu lug ku soo dhex maray shacbigii uu la tukanayey ee ku sugnaa barxada hore ee masjidka, una soo gudbay ilaa uu soo gaadhay badhtamaha Suuqa, isaga oo shacbiga gacmaha u taagay kuna salaamayey Ciid Mubaarik, Ciid Mubaarik, Ciid Mubaarik.

Markii uu madaxweynuhu muddo soo dhex-lugeeyey Suuqa, waxa uu dhinaca Aqalka Madaxtooyada u soo raacay Baabuurkiisa, halkaas oo uu munaasibadaha noocan oo kale ah uu ku qaabilo bulshada qaybaheeda kala duwan

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Mudaneyaal ka tirsan Laba Gole Baarlamaan, ayaa madaxweynaha ku wehelinayey Salaadda uu la oogay shacbiga magaalada Hargeysa.

DAAWO SAWIRRADA OO DHAMMAYSTIRAN