Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan Xog-waraysi ah ku Qaabilay Guddoomiyeyaasha Gobollada Dalka

[H]argeysa (SLpost)– Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa kulan xog-waraysi ah kula yeeshay  Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka.

Kulankan oo dulucdiisa lagu sheegay is-xogwaraysi iyo Derder-galinta hawlaha ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu qaranka u hayaan, waxa uu madaxweynuhu ku bogaadiyey masuuliyiinta kaalinta ay kaga qayb-qaataan Hawlaha Qaranka isaga oo ku booriyey inay dedaalkooda sii siyaadiyaan, waxaanay dhankooda madaxweynaha uga warbixiyeen Xaladaha nabad-gelyo iyo maamul ee gobolladooda.

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa isaga oo dhameystiran:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka oo Dhan, kulan oo ay ujeedadiisu tahay is xog-warsi iyo dar-dar gelinta  Hawsha Qaran ee ay u xilsaaran yihiin.

Waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyada JSL, Mudane, Cabdicasiis Muxumed Samaale.

Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalku waxa ay ka warbixiyeen xaaladaha nabad-gelyada, Maamulka, iyo Kuwa ijtimaaciga ah ee Gobolada ay madaxda ka yihiin.

Warbixintaa dheer ka dib waxa uu madaxweynuhu badhasaabada dalka iyo wasaaradda Daakhligaba ku amaanay Doorka ay ku leeyihiin hawlaha ay qaranka u hayaan iyo xil-gudashadoodaba, Madaxweynuhu waxa uu madaxdaas ku adkeeyey inay sii laban-laabaan adkaynta nabad-gelyada iyo feejignaanta ay kaga hortegayaan cid kasta oo wax u dhimi karta qaranka JSL”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net