Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan la qaatay Dhalinyaro Tartan-sugaaneed Wacyi-gelin ah ka Qayb-galay

Hargeysa (SLpost)-  Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa caawa la kulmay xubno ka mi ah dhalinyarada Hal-abuurka ee dalka oo todobaadkan magaalada Hargeysa loogu soo gebo-gabeeyey tartan-suugaaneed dhiirri-gelinta dhalinyarada ah isla markaana lagaga wacyi-gelinayay dhibaatada tahriibta.

Dhalinyarada tartan suugaaneedkan ka qayb-qaadatay oo isaga kala timi gobollada dalka oo madaxweynuhu caawa ku qaabilay Qasriga madaxtooyada, waxa hor-kacayay guddoomiyaha Ururka SODRA oo tartan-suugaaneedkan soo qaban-qaabiyey Axmed Shaqalle iyo Guddoomiye ku-xigeenka ururkaas Nada Yuusuf Cumar, sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu faahfaahiyey kulanka madaxweynuhu la qaatay Dhalinyarada.

IMG_1073Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa uu u qornaa sidan: “Ururka Horumarinta iyo Daraasaadka Somaliland ee loo soo gaabiyo SODRA ayaa dhalinyarada Hal abuurada ah ee ka socda Gobolada dalka u qabtay kulan balaadhan, oo runtii ahaa mid muhiimadiisa koowaad ahayd dhiirigelinta da’a yarta dalka, iyada oo ay hogaaminayeen dhalinyaradaasi la kulantay madaxweynaha Gudoomiyaha Ururka SODRA Axmed Shaqale iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa Nada Yuusuf Cumar, ayaa qaar ka mid ah dhalinyaradaasi hal abuurka ahi waxay madaxweynaha hortiisa ku soo bandhigeen kana akhriyeen Gabayo iyo Suugaan ay ku cabirayeen halka ay ka taagan yihiin dhibaatada tahriibta iyaga oo madaxweynaha ku amaanay sida uu marwalba u barbartaagan yahay dhalinyarada wakhti walba iyo goor kastana ugu furan yihiin albaabada xafiiskiisu.

Madaxweynaha oo isna dhalinyaradaasi ku hambalyeeyey sida xilkasnimada leh ee ay isaga xil saareen inay u caqli celiyaan kuwa naftooda biimeeyey ee u banbaxay tahriibta iyo inay u badheedhaan badaha, ayaa ku amaanay da’a yartaasi sida xigmada leh ee ay gabayada iyo suugaanta ugu cabireen dareenkooda, isaga oo madaxweynuhu gudanaaya waajibaadkiisa qaran ee dhiirigelinta da’a yarta dalka waxa uu xafiiskiisa si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyey dhalintaasi.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu da’a yartaasi kula dardaarmay in aanay ka daalin wacyigelinta iyo kulanada noocan oo kale ah, una joogteeyaan si ay kuwo badan oo ka mid ah dhalinyaradu wax ugu qaataan. Sidoo kale waxa dhaliyaradaasi kulan qado sharaf ah hotel Maansoor ugu sameeyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.

SOMALILANDPOST.NET