Madaxweyne Siilaanyo oo ku gacan-saydhay Go’aan Qarda-jeex ah oo Guddoomiyaha Guurtidu u gudbiyey

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo Rag ku Eedaysan inay ku lug lahaayeen Fashilaaddii Doorashadii Goleyaasha Deegaanka u magacaabay Labada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka iyo Jawaabta Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa caawa gondaha isku-daray Kulan gar-naqsi ah oo ku yimi tabasho ka dhalatay Qoraallo sharci balse isku liddi ah oo labada masuul maanta gelinkii hore is-weydaarsadeen.

Siilaanyo-Iyo-Saleebaan-GaalGuddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey magacyada laba xubnood ee Golaha Guurtidu sharciga u leyihiin magacaabista Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee muddo-xileedkoodu gebo-gabada yahay, isaga oo mar labaad dib u magacaabay labadii xubnood ee golaha guurtidu u magacaabeen oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka ee wakhtigan xilka sii haya.

Arrintan, ayaa dhalisay in madaxweyne Siilaanyo ka biyo-diido in xubnahan oo loo tirinayo inay qayb ka ahaayeen fashilkii ku yimi doorashadii Goleyaasha deegaanka ay mar labaad ku soo laabtaan guddiga, waxaanu madaxweynuhu maanta gelinkii hore u gudbiyey Guddoomiye Saleebaan qoraal uu ku war-gelinayo inay Guurti ahaan soo beddelaan xubnaha uu soo magacaabay.

Sida ay Somalilandpost.net u xaqiijiyeen ila-wareedyo dusha kala socday dhaq-dhaqaaqa qoraallada sharci ee dhexmaray labada masuul, guddoomiye Saleebaan, ayaa la sheegay inuu ka biyo-diiday Jawaab-celinta Madaxweynaha, waxaanu Caawa ugu tagay madaxweynaha Qasriga madaxtooyada halkaas oo kulan gondaha laysku daray ku dhexmaray labada masuul ee ugu sarreeya heerka kala sareynta dawladnimo ee dalka.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xaqiijiyeen waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku dooday in aanay xubnaha guddiga Doorashooyinka ka mid noqon doonin xubnihii hore ee wakhtigoodu sii dhammaanayo, isaga oo taas sabab uga dhigay inay ku fashilmeen doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee dalka qabsoontay daba-yaaqada sannadkii 2012-dii, taas oo khilaaf, khal-khal iyo isku-dhacyo dhiig ku daatay ka abuurtay dalka.

Kulanka caawa dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyaha Guurtida oo ay ku wehelinayeen wasiirrada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi,  haseyeeshee  ilo-wareedyada aanu warka ka soo xigannay noo may xaqiijiyin natiijada uu soo gebo-gaboobay iyo go’aanka ay labada masuul ee ugu sarreeya Dawladda Somaliland isla qaateen.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo tiradoodu tahay Todoba Xubnood, waxa sharciga dalku jidaynayaa inay soo kala magacaabaan Golaha Guurtida oo laba xubnood ka soo dhex-magacaaba bulshada Rayidka ah, Xisbiyada Mucaaradka oo iyaguna labada xubnood soo magacaaba halka saddexda xubnood ee kale uu soo xulo madaxweynuhu.

SOMALILANDPOST.NET