Madaxweyne Siilaanyo oo ku Dhawaaqay Roobdoon Xili Abaaro Adagi Ay Dalka Saameeyeen

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Amxed Maxamed Siilaanyo ayaa ku dhawaaqay in maalinta Isniinta ah loo dareero salaad roobdoon ah guud ahaan dhulka Somaliland, waxaana sidan ku dhawaaqay wasiirkiisa arimaha gudaha oo la hadlaayay badhasaabada gobalada dalka.

Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde oo la hadlaya dhasaabada iyo maayirada dalka waxaa hadaladiisii kamid ahaa “Aniga Oo Filinaya Amarka Madaxweynaha JSL Ee Ku Saabsanaa Salaada Roob doonta Ah Ee Uu Ku Dhawaaqay In Maalinta Isniinta Ah Ee Bishu Tahay 01/02/2016 Dalka Oo Dhan La Oogo Salaada Roob Doonta . Waxaan Dhamaan Badhsaabada Iyo Maayirada Dalka Farayaa In Ay Si Wayn Uga Qayb Qaataan Salaada Roob Doonta Ee Uu Madaxweynuhu Ku Dhawaaqay.

Sidaa Darteed Waxaa Mar 2aad La Idinku Adkaynayaa In Aad Ka Qayb Qaadataan Isla Markaana Aad Bulshada Ku Wacyi Galisaan Salaada Roobdoonta”.