Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeerkii kedis ah ku booqday Meelaha Bulshadu isugu timaaddo + Qosolkii Madaxweynaha, Salaadiinta iyo Wasiirrada + SAWIRRO

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta gelinkii dambe kormeer kedis ku gala-bixiyey qaar ka mid ah goobaha bulshadu isugu timaaddo ee magaalada Hargeysa.

Kormeerka madaxweynaha oo qaatay Xilli-ku beegan wakhti yar ka hor Salaaddii Makhrib ilaa Fiidnimadii waxa uu ugu horreyn booqday Hotel Kaah oo ku yaala cidhifka Bari ee magaalada Hargeysa halkaas oo uu kula tukaday Salaaddii Makhrib. Inta ka dib waxa uu madaxweynuhu soo dhex maray Suuq-weynaha caasimadda Hargeysa oo uu uga sii gudbay Star Hotel oo uu Adeegsi ka samaystay, Waxa kale oo uu madaxweynuhu soo maray Edna Super Market oo ku yaala agagaarka Cusbitalka ay dhistay Drs Edna Aadan Ismaaciil.

Madaxweynuhu oo kormeerkiisa ka bilaabay goob Carruurta lagu ciyaarsiiyo, waxa uu ku xigsiiyey Hotelka KAAH oo Kormeerkiisu kedis ku noqday laba ka mid ah wasiirradiisa (Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Kalluumaysiga) iyo xubno Salaadiin ah oo goobtaas ku kulansanaa, halkaas oo madaxweynaha si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha oo jawigiisa ay farxad dheeraad ahi ka muuqatay, waxa uu qosol-farxadeed, Kaftan iyo sheeko la wadaagay Salaadiintii iyo labadii Masuul ee uu goobta ugu tagay.

Waxa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland uu soo maray Dukaanka weyn ee Edna Cosmatics ee ku yaala degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa. Ka dibna waxa uu ku soo laabtay xurunta madaxtooyada Somaliland.

Kormeerkani waxa uu salka ku hayaa qiimayn uu Madaxweynuhu ku samaynayo ammaanka magaalada Caasimadda Hargeysa. Waana markii saddexaad ee Madaxweynuhu sameeyo kormeer noocan oo kale ah.

Madaxweynaha waxa kormeerkiisan ku weheliyay Marwada koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, hase yeeshee markii uu Madaxweynuhu tagay Huteelka Kaah waxa ka soo raaacay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur) iyo Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire).

Kormeerkan Madaxweynaha ayaa ah kii labaad tan iyo intii la doortay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu kormeerkiisaas hore ku gaalaa bixiyey qaybo ka tirsan Suuq-weynaha Gobonimo ilaa suuqa Xaafadda Xero-awr ee magaalada Hargeysa.

Daawo Sawirrada

Kormeerka Madaxweynaha (2)Kormeerka Madaxweynaha (3)Kormeerka Madaxweynaha (5)Kormeerka Madaxweynaha (8)Kormeerka Madaxweynaha (10)Kormeerka Madaxweynaha (13)Kormeerka Madaxweynaha (14)Kormeerka Madaxweynaha (1)Kormeerka Madaxweynaha (4)Kormeerka Madaxweynaha (17)Kormeerka Madaxweynaha (7)Kormeerka Madaxweynaha (12)Kormeerka Madaxweynaha (22)Kormeerka Madaxweynaha (26)Kormeerka Madaxweynaha (27)Kormeerka MadaxweynahaKormeerka Madaxweynaha (23)Kormeerka Madaxweynaha (7)

Somalilandpost.net

Somalilandpost@yahoo.com