Madaxweyne Siilaanyo Oo Kormeeray Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka

????????????????????????????????????

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ka dibna waxa uu kormeer guud ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Intaa ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay Miiska Saraakiisha oo laga hirgeliyey Wadooyin, Dhismayaal, Garoon kubadeed iyo mashaariico kale oo badan, ugu horayna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray waddo laami ah oo dhan 700 Miter kuna wareegaysa miiska saraakiisha gudihiisa, iyo Dugsi lagu baran doono Luuqadaha (Languages) loona dhisay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Saraakiisha, madaxweynaha oo sii watay furista mashaariicaha kala duwan ayaa xadhiga ka jaray guryo cusub oo loo dhisay Hurimaha ciidanka gaar ahaan kuwa Baanboyda tuma, kuwaas oo ay seexan doonaan ama hoy u noqondoonna.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray garoon casriya oo loo dhisay in saraakiisha iyo ciidamadu ku ciyaaraan ugu yaraan afar ciyaaroood oo kala duwan wakhtiga nasashada si looga ilaaliyo saraakiisha inay isticmaalaan balwadaha kala duwan ee uu qaadku ka midka yahay.

Furitaanka iyo kormeerkaa ka dib waxa Madaxweynaha warbiximo ka siiyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale iyo Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali “Cadami” oo ku dheeraaday dedaalka iyo horumarka ciidanka qaranka Somaliland ku talaabsaday mudooyinkii u danbeeyey.

Madaxweynha oo ugu danbayn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Farxad weyn bay ii tahay in aan maanta halkan Miiska saraakiisha imaado oon furo mashaariicahaa kala duwan ee qiimaha iyo qaayaha weyn leh, saraakiishu waa waxa aanu ku faanayno ee Ciidanka iyo Qarankuba ku faano, waana waxa dalka iyo dadkayagaba daafaca, waa wax aanu annaguna aad iyo aad ugu faano oo qiimo weyn iyo qaayaba inoo leh, farxad weyn ayey nootahay in aanu ka soo qaybgalno xafladan, insha Allaa waxa aan rajaynayaa in aynu halkaa hore uga sii marno oo hore uga sii talaabsano, ciidankeenuna in halkaa iyo meel ka sii wanaagsanba uu u sii talaabsado ayaan illaahay ka rajaynaynaa”