Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeer uu ku maray Haamaha Shidaalka ku sagootiyey Reer Berbera, Caasimaddana dib ugu soo laabtay (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Silaanyo oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey socdaal ku joogay magaalada Berbera, ayaa maanta kormeer ku maray haamaha shidaalka Berbera, ka hor intii aanu u soo anba-bixin dhinaca magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka.

Madaxweynaha waxa xarunt aHaamaha keydka Shidaalka ku qaabilay Maareeye Saleebaan Siciid aw-Cali oo madaxweynaha sharraxaad ka siiyey mashaariic bil ka hor Md Siilaanyo dhagax-dhigay oo hawshoodu socoto, kaas oo ah Laab ama shaybaadh Casri ah oo loogu talo-galay in lagu hubiyo tayada shidaalka la keeno dalka, waxaanu maareeyuhu halkaas ka sheegay inay mashruucan la kaashadeen shirkado ka shaqeeya waddamada Kenya iyo Djibouti.

DSC_0125Madaxweyne Siilanayo oo isagun halkaas ka hadlay, ayaa maamulka maamulka Haamaha Shidaalka ku hambaleeyey hawlaha ay u xil-saaran yihiin, waxaanu boorriyey inay dedaalkooda halkaas ka sii wadaan.

Kormeerka Haamaha Shidaalka kaddib, waxa uu madaxweynaha iyo weftigiisa u soo amba-baxeen dhinaca magaalada Hargeysa oo ay soo gaadheen galabta, waxaana jidadka caasimadda ku soo dhaweeyey dadweyne tiro-badan.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan wefti wasiirro ah, ayaa saddex maalmood ka hor garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka raacay diyaarad gaar ah oo ay ku tageen magaalada Berbera, waxaanu madaxweynuhu intii uu joogay caasimadda gobolka Saaxil xadhigga ka jiray mashaariic laga hirgeliyey Garoonka Diyaaraha Berbera, waddooyin laami ah oo Dawladda Hoose Dhistay, isaga oo dhagax-dhigay Xarun wasaaradda deegaanku ku yeelan doonto magaalada Berbera. Madaxweynuhu waxa kale oo uu kormeer ku maray dib-u-dhis iyo ballaadhin ka socota dekedda Berbera.