Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeer ku maray Dhisme ka socda Waddamada isku xidha Maroodijeex iyo Saaxil iyo Ujeeddada socdaal uu ku gaadhay Berbera (DAAW SAWIRRO)

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu socdaal shaqo ugu baxay Gobolka Saaxil gaar ahaa Magaalada Berbera isaga oo Madaxweynuhu sii kormeer ku sii maray Wadada Halbawlaha u ah Caasimada Hargeysa iyo Gobolka Saaxil oo hawlo shaqo oo dib u habayn loogu samaynaayo wadadaas.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu ku hakaday Dooxa Dacarbudh oo laga wado dhisme loogu talo galay in Check Point ama bir lagu xakameeyo inta uu socdo dooxaasi dadweynaha socotada ah ee isaga gooshaya goboladaasi aanay uga gudbin iyaga oo naftooda halaagaya ama dhib u horseedaya, halkaas oo madaxweynuhu uu uga duceeyey Suldaankii dhawaan ku geeriyooday Daadkii ku qaaday dooxaasi iyo sidoo kale masuuliyiintii iyo shicibkii kala duwanaa ee ku naf waayey dooxan.

Madaxweynaha oo ku jira sodaalkiisa shaqo waxa uu soo dhawayn aad u qaali ah kala kulmay degmooyinka, iyo Tuulooyinka u dhaxeeya Berbera iyo hargeysa halkaas oo madaxweynaha ay si aad ugu soo baxeen bulsho weynta ku dhaqani.

Sodaalkaasi oo saacado qaatay madaxweynuhu waxa uu ku gaadhay Magaalada Berbera oo sida Sawirada ka muuqata madaxweynaha u soo dhawaysay Si aan hore uga dhicin Berbera iyaga oo madaxweynaha kaga horyimid jiifto ilaa iyo Guriga bartida ee berbera oo dad weynuhu ay meel walba u tubnaayeen iyaga  oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey Baabuurta noocyadeeda kala duwan Kuwa raaxada, Xamuulka iyo Baabuurta yar yar ee loo yaqaan bajaajta oo sida ka muuqata muuqaalada Sawirada aan kala go’lahayn isku soo wada duubo waxa maanta magaalada berbera aan loo kala hadhin soo dhawaynta madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminaayo oo hada ku sugan Magaalada Berbera.

Madaxweynuhu muddada uu joogo Magaalada Berbera, waxa uu xadhigga ka jari doonaa waddooyin cusub iyo mashaariic horumarineed oo dawladda Hoose ka hirgelisay magaaladaas.