Madaxweyne Siilaanyo oo Maalinta Berri ah Khudbad-sannadeedkiisa Ka Jeedinaya Goleweynaha Barlamanka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maalinta Berri hortagi doona Laba Gole qaran ee Baarlamanka oo ka horjeedin doono khudbad-sannadeedkii sa oo uu kaga hadli doono Arrimo Door ah.

Madaxweynaha Somaliland oo shalay la filayey inuu hortago Goleyaasha Baarlamanka si khudbad-sannadeedkiisa uga jeediyo, ayaa u baaqatay sababo aan la garanayn, haseyeeshee loo malaynayo culayska xukuumaddiisa ka soo fuulay dhawaaqa dawladda Maraykanku ku dhaliishay xaaladda amni ee Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isaga oo shalay warbaahinta ugu warramayey xafiiskiisa, la su’aalay sababta baajisay inuu madaxweyne horyimaaddo Labada gole baarlamaan, ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Siilaanyo uu maalinta Arbacada ee Barri ah uu si wada-jir ah khudbad-sannadeedkiisa uga hortagi doonouu labada Gole Baarlamaan ee Wakiillada iyo Guurtida.

Md_Siilaanyo_Golaha_Guurtida“Madaxweynuhu wuu imanayaa Golaha, Waxaanu imanayaa Arbacada oo waxa uu labada Gole ka jeedinayaa khudbad sannadeedkii,” ayuu yidhi Md Cirro.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa khudbad-sannadeedkiisa uu Goleyaasha Sharci-dejinta ka horjeedin doono laga filayaa inuu kaga hadlo arrimo Door ah iyo waxqabadyada xukuumaddiisu ku tallaabsatay. Waxa kale oo madaxweyne laga filayaa inuu ka hadlo doorashadii dalka ka qabsoontay iyo saamaynta ka dhalatay natiijadii ka baxday oo sababtay khilaaf iyo tabasho ka dhex aloosmay bulshada dhexdeeda oo qaarkeed aan weli la xalin.

Waxyaabaha kale oo lagu wado inuu madaxweynuhu ka hadlo waxa ka mid ah wada-hadalada iyo heshiisyda ay dalka Imaaraadka Carabta ku yeesheen wefti ka socda Somaliland iyo shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo ku saabsan horumarinta iyo ballaadhinta dekedda Berbera.

Khudbaddii u dambaysay ee madaxweyne Siilaanyo ka jeediyo Gole-weynaha Baarlamanka Somaliland oo ku beegnayd 15-kii January, 2012, waxa uu ku sheegay ballan-qaadyo tiro badan oo xukuumaddiisu ku tallaabsan doonto, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Derajooyinka Ciidamada kala duwan ee dalka oo xukuumaddu shaacisay in dhawaan la bixin doono.

SOMALILANDPOST.NET