Madaxweyne Siilaanyo Oo Khadra Xaaji Gaydh U Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Kana Qaaday Agaasimahii hore

Hargeysa(SLpoat)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilkii ka qaaday agaasimhii guud ee wasaarada madaxtooyada Xasan Cabdi Madar, waxaanu u magacaabay jagadaas maayarkii hore ee gabiilay Khadra Xaaji Gaydh, waxaana sidan lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay mdaxtooyada goor dhawayd oo u dhignaa sidan

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3757/012016 uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii guud ee madaxtooyada sidoo kalena waxa uu magacaabay Agaasime Cusub.

Madaxweynuhu:-  

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada ee JSL;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karto, aqoon iyo kartina u leedahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

 

In Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh), laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis 

Ku: Mudane, Xasan Cabdi Madar        

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Madaxtooyada 

Mudane, 

Waxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)