Madaxweyne Siilaanyo oo Kalsooni ka Muujiyey inuu Mar labaad Hanan Karo Hoggaaminta talada dalka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa sheegay inuu u taagan yahay murashaxnimada doorashada doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacdo badhtamaha sannadka soo socdo, waxaanu kalsooni ka muujiyey inuu mar labaad hanan karo hoggaaminta dalka, isaga oo sheegay inuu ku kalsoon yahay inay shacabka Somaliland codkooda ku taageeri doonaan.

DSC_0148Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlay qofka nashada ee Madaarka diyaaradaha Hargeysa, ka dib markii isaga iyo wefti xukuumaddiisa ka tirsan ka soo laabteen safar muddo laba todobaad ku dhow qaatay oo ay ugu maqnaayeen waddanka Ingiriiska, halkaas oo ay kaga qayb-galeen shir maalgashi iyo xidhiidh ganacsi loogu raadinayo Somaliland.

HALKAN KA DAAWO