Madaxweyne Siilaanyo oo ka Qayb-galay Munaasibad loo qabtay Dufcaddii 13aad ee ka Qalin-jabisa Jaamacadda Camuud (SAWIRRO)

Boorama (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta ka qayb-galay Munaasibad ballaadhan oo qabtay 621 Arday oo ka Qalin-jabiyey Jaamacadda Camuud ee magaalada Borama.

Ardayda loo sameeyey Munaasibadda Qalin-jabinta, ayaa noqonaysa dufcaddii 13aad ee Waxbarashada ka dhammaystay Jaamacadda Camuud, waxaana ku jiray 4 arday oo Laxaadka Maqalku ka maqan yahay.

DSC_0537Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah xukuuumaddiisa, ayaa saaka u baxay magaalada Borama ee Xarunta gobolka Awdal, waxa uu safarkiisa ku sii maray magaalooyinka Gabiley, Kala-baydh, Dila, halkaas dadweynuhu si ballaadhan ugu soo dhaweeyeen weftiga madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo Weftigiisu markii ay gaadheen magaalada Boorama, waxa si weyn u qaabilay isla markaana soo dhaweeyey dadweynaha Caasimadda gobolka Awdal oo safnaa hareeraha jidka laamiga ah ee magaaladaas Dhexmara, ka hor intii aanay madaxweynuhu gaadhin xarunta jaamacadda Camuud, halkaas oo Ardayda qalin-jabisay, Maamulka Jaamacadda, Macalimiinta, Waalidiin iyo dadweyne kale ku sugayeen weftiga madaxweynaha.

DSC_0386Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad ka jeediyey munaasibadda, ayaa Ardyda qalin-jabinaysa kula dardaarmay inay ku dedaalaan sidii ay aqoonta ay barteen dalka ugu faa’iidayn lahaayeen maadama oo ay yihiin mustaqbalka Berri ee dalka. Intaasi ka dib, madaxweynuhu waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadda.

Ka dib, munaasibadda qalin-jabinta ee madaxweynuhu ka qayb-galay, waxa uu mashaariic kala duwan kka dhagax-dhigay magaalada Boorama, halkaas uu ku dhagax-dhigay Wershadda Tamarta Hawada la keydiyey oo marka la dhammaystiro wax ka beddeli doonta baahida dhinaca Korontada. Waxa kale oo madaxweynuhu dhagax-dhigay Waddo laami ah oo magaalada inteeda kale ku xidhaysa Guriga Martida ee Boorama.

DSC_0344Madaxweynaha iyo Weftigiisa, ayaa intaas ka dib ku guryo noqday magaalada Hargeysa, waxaanu safarkani noqonayaa markii Afraad ee madaxweyne Siilaanyo socdaal ku tago magaalada Boorama Afarta Sanno iyo dheeraad ah ee uu talada dalka hayey.