Madaxweyne Siilaanyo oo ka Qayb-galay Daah-furka Mashruuc Horumarinta Waxbarshada ah oo ay ku baxayso 13.25 Milyan

Hargeysa (SLpostl)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qayb galay munaasibad lagu furayay barnaamijyo ku saabsan Horumarinta Waxbarashadda dalka, kaas oo Midowga Yurub Maalgelinayo, kuna baxayso adduun dhan (13,250,000 Euro) Saddex iyo Toban Milyan, labo Boqol iyo Konton Kun oo Yuuro.

hroMunaasabadda daahfurka barnaamijkan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa oo qayb ka ah qorshaha uu taageerayo midowga Yurub ee loogu magac daray (Horumarinta Cilmiga) kaas oo ay iska kaashanayaan wasaaradda waxbarashada Somaliland iyo hay’adda Save The Children oo ay weheliyaan Hay’adaha NRC iyo CARE, waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, madaxda hay’adaha barnaamijkan iska kaashanaya iyo marti-sharaf kale.

horBarnaaijkan Midowga Yurub maal-gelinayo oo Qorshihiisa loogu magacdaray Horumarinta Cilmiga, ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu tiigsanayo helitaanka nidaam waxbarasho oo waara, kaas oo ku fidaya carruurta dhigata dugsiyada H/Dhexe iyo Dugsiyada sare, waxaana qorshaha mashruucu si dhow ula shaqayn doonaa Wasaaradda waxbarashada Somaliland, iyadoo inta mashruucu soconayo la fulinayo adeegyo waxbarasho oo wax ku ool ah oo ka jawaab celinaya baahida caruurta Somaliland.

horumWasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo munaasabadaas ka hadashay ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay had iyo jeer wasaaradda waxbarashada Somaliland la dhinac taagan yihiin taageero hagar la’aan ah haday tahay dhinaca dhaqaalaynta shaqaalaha, farsamada iyo qorshayanta.

horuMadaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaas ka hadlay, waxa uu ka sheegay in Somaliland ay shacab iyo dawladba u mahadcelinayso Midowga Yurub, maadaama ay gacan ka gaystaan dhinaca waxbarashada oo ah furaha horumarka ay bulsho tiigsanayso.

Madaxweyne Siilaanyo waxuu sheegay in muddadii ay xukuumaddu xilka haysay ay awoodda saartay tayaynta waxbarashada lana kordhiyey miisaaniyad sanadeedka waxbarashada lana sii wadi doono hagaajinta mustaqbalka da’yarta Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net