Madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan oo Hargeysa ku geeriyooday

????????????????????????????????????

Madaxweynaha oo ka hadlay Shakhsiyaddii Marxuumka iyo Doorkii uu ka soo qaatay Geeddi-socodkii Nabadeynta Dalka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qayb-galay Aas Qaranka oo Xabaalaha Xeedho ee duleedka magaalada magaalada Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo ka tirsanaa Odayaasha faro-ku-tiriska ee ku jiray Xildhibaannadii ugu horeeyey iyo Hal-doorkii Golaha Guurtida ee ka soo qayb-qaatay Geeddi-socodkii nabadeynta dalka.

Marxuum Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxaana Aaska Marxuumka ayaa ahaa mid heer qaran ah oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta Asxaabta qaranka, Golayaasha Qaranka iyo Bulshada Qaybaheeda kala Duwani.

????????????????????????????????????

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Geerida Marxuumka ka tacsiyeeyey Shacbiga Somaliland,Labada Qaran ee Baarlamaanka, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, eheladii, asxaabtii, qaraabadii uu ka baxay Marxuun Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal, isagoo Md Siilaanyo ku tilmaamay Marxuumka xildhibaanada qiimaha iyo faca weyn ee ka tirsanaa shuyuukhda golaha guurtida.

Madaxweyne Siilanayo oo ka hadlayey shakhsiyaddii Marxuumka iyo doorkii uu ka soo qaatay geeddi-socodkii nabadeynta dalka, waxa uu yidhi, “Marxuumku waxa uu ka mid ahaa xildhibaannada golaha guurtida Somaliland ee ugu muddada dheeraa, isagoo ku suntanaa, miisaan weyna ku dhexlahaa bulshada reer Somaliland oo uu ka mid ahaa, odayaashii, waxgaradkii salka u dhigay nabadda iyo dawladnimada dalka ka jirta, waxaanu hawl-fuliye ka ahaa dhammaan shirarkii nabadaynta beelaha Somaliland kuwada nool, waxa kaloo uu kaalin muuqata oo lama illaawaan ah ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta dalka, waxaanu ahaa sheekh caalima oo ku xeel dheer diinta islaamka, dadkna ugu adeega samaha iyo wada jirka,” waxa sidaas lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryay inuu janooyinkiisa balaadhan dejiyo, guurtida, qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu  ka baxdayna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.