Madaxweyne Siilaanyo oo ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Mandaqadda, wada-hadallada Soomaaliya, Rejada Aqoonsiga Somaliland iyo Xidhiidhka Beesha Caalamka iyo Xukuumaddiisa

Dr SiilaanyoHargeysa (SLpost)- Telefishanka xaruntiisu tahay magaalada Doha ee dalka Qatar, ayaa xog-waraysi dhinacyada siyaasadda Somaliland, Qadiyaddeeda Aqoonsiga iyo wada-hadallada Somalia, la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waraysigan oo madaxweynaha ay la yeelatay Wariye Nazanine Moshiri oo dalka ku sugneyd ilaa munaasibaddii 18 May oo Telefishanka laga baahiyey, barnaamijyo kalena ka diyaarisay dalka, ayaa waxa lagu baahiyey barta Internetka ee telefishanka Al-Jazeera.

Wariye Nazanine Moshiri,waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland kala sheekaysatay, maraaxilkii kala duwanaa ee wadanku soo maray iyo xaaladda Siyaasadeed ee wakhtigan.

Xog-waraysiga Dhexmaray Wariyaha iyo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa u dhacay sidan:

Nazanine Moshiri: Mudane madaxweyne Siilaaanyo, 22 sanno ayaa laga joogaa markii Somaliland ku dhawaaqday xornimadeeda, laakiin ilaa hadda kumaydaan guulaysan aqoonsi beesha caalamka aad ka heshaan. Ma isleedahay wuu soo dhawaaday imika?

Ahmed Silanyo: Haaheey, wali aqoonsi maanu helin, taasi waa dhab. Waxaanu rumaysanahay aqoonsigu inaanu wax si fudud loo hello ahayn – laakiin beesha caalamku waanu ku xidhanahay oo wada shaqaynaa. (Aqoonsi la’aanta) macneheeduna maaha inaanu ka go’doon sanahay beesha caalamka. Marba marka ka dambeysana, waxaanu aad ugu sii xidhmaynaa beesha caalamka . iyaguna wey nala shaqeeyaan, waananu isku xidhanahay. Hadda waxaan socdaal ku soo maray wadamo badan oo caalamka ah, waxaan kulamo la soo qaatay xukuumadaha wadamadaas. Dowlado badana waxa nooga yimaada wufuud kala duwan, barnaamijyo caawimo ah bay halkan ka fuliyaan, waxay naga taageeraan hanaanka dimuqraadiyadaynta, waanu la xaajoonaa oo iskaashanaa caalamka.

NM: Waxaad diideen inaad ka qayb gashaan shirkii dhawaan Soomaaliya loogu qabtay London. Ma noo sheegi kartaa sababta.?

AS: Waxaan jeclahay inaan cadeeyo in xidhiidh wanaagsan oo taariikheed naga dhexeeyo wadanka Britain. Si kastoo aanu u doonaynay, suuro gal nooma noqon inaan ka qayb galno maxaa yeelay, shirka London waxa loo qabtay oo howshiisa lahayd Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha (Ingiriiska) iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada marti gallinayay. Kadib markii aanu wada tashiyo kala yeelanay xisbiyada kala duwan iyo kooxo kala duwan, waxaanu isla garanay inaanaan aqbali Karin anagu. Kulamo badan ayaa hore noo soo dhex maray, kuwaas oo aanu ugu wada hadlaynay Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin kani waa ka duwanaa kuwaas hore.

NM: Lacag badan ayaa loogu yaboohay Soomaaliya shirkaasi. Makula tahay in sidoo kale qayb kamid ah lacagtaasi gaadhi doonto Somaliland.?

AS: Hagaag, Waxaan u malaynayaa in beesha caalamku na caawin jirtay – gacan badan ayaanu ka helnay wadamada Yurub. Dabcan waxaanu jecelnahay inaanu sii heli doono caawimadaas ilaa inta caalamku sii danaynayo horumarka.

NM: Safarkaagii dhawaan aad ku tagtay Maraykanka, miyey kuu soo ballan qaadeen inay qaranimadiina aqoonsanayaan.?

AS: Maya, noomay sheegin inay aqbalayaan ama aqoonsan doonaan qaranimadayada. Waxay noo sheegeen inay sii wadayaan taageerada iyo barnaamij-yadda horumarinta, ballantaasna ay ka dhabaynayaan.

NM:  Sidee kuugu muuqataa aragtida, Midowga Afrikina cadeeyeen ee ah, haddii idinka la idin aqoonsado , in gobolo kale oo aan degenaynina dalban doonaan (in la aqoonsado)?

AS: Sababo kastoo jira, Somaliland iyo Soomaaliya taariikhiyan waxay kala ahaayeen laba dal – waad la socotaa taariikhda Afrika iyo wadamo badan oo caalamka ahi, markii uu wakhtigii gumaysigu dhamaaday. Siday xaqiiqdu tahay, Wakhtigaas xornimada wadamo badan ayaa aqoonsaday Somaliland. Laakiin xiligaas, waxa jiray hammuun loo qabay midowgii dhamaan dadka ku hadla Afsoomaaliga ee geeska Afrika degen, oo ay ku jiraan, Soomaalida Ethiopia, Soomaalida Kenya iyo Soomaalida Djibouti. Midowguna wuxuu ahaa doonistii dhallinyarada.

Laakiin taasi ma suuro gallin, sababtuna waxay ahayd ( waxay ka hor imanaysay ) siyaasadii wadamada quwada leh ee aduunka. Shuruucdiina waxay ogolaatay in, Soomaalida Ethiopia sii ahaato qayb Ethiopia ka mid ah. Shacabka Djiboutina waxay dhidibada u taageen qaranimo u gaar ah: waxa hore loogu yaqaanay Somaliland-tii Faransiiska (French Somaliland), way madax banaanaatay waxaana aqoon saday beesha caalamka. Dadkii ka midka ahaa Kenya, waxay ku sii negaadeen ka sii mid ahaanta Kenya.

Marka maxaa Somaliland u diidaya, oo hore u ahayd Maxmiyada, sidoo kalena beesha caalamku aqbashay? Midowgii kadib markii tallada uu la wareegay Siyaad Barre, sidoo xumayd ee loola dhaqmay shacabka Somaliland wax qarsoon maaha. Waad aragtay diyaarada saaran badhtamaha magaalada (Hargeysa) – waxay kamid ahayd diyaaradihii ka kacayay madaarka Hargeysa ee duqaynayay shacabka, ay ku jireen dumarka iyo carruurtu , ee doonayay inay nafohooda ula baxsadaan dhinaca xuduuda Ethiopia. Danbiyadaas oo uu ka gallay maamulkii kali taliska ahaa, Somaliland-na waligeed way u halgami doontaa sidii ay u noqon lahayd qaran Madaxbanaan.

NM: Waxaa wada hadal idin dhex maray idinka iyo Soomaaliya, kaas oo horaantiisii ka qabsoontay Turkey caasimadiisa Istanbul, manoo sheegi kartaa sidii ay wada hadaladani u dhaceen.?

AS: Waxa jiray wada hadalo ka horeeyey kan Istanpul. Wada hadalada Turkiga ka dhacayna waxay uun kamid ahaayeen qorshaha  beesha caalamku ku doonaysay inay ku heshiisiiso Somaliland iyo Soomaaliya. Kama soo horjeedno wada hadalada: waanu aqbali doonaa ilaa inta si siman loo wada hadlayo, si siman ayaananu ugu wada faraxsanayn natiijadii ka soo baxday.

NM: Maxaad ku heshiiseen.?

AS: Waxaanu ku heshiinay in la isku raaco in wada hadalo dheeraad ah la isugu yimaado, la isna tix-galliyo lana sii wado in labada dhinac iska kaashadaan wax badan.

NM: laakiin madaxweynaha Soomaaliya wuu cadeeyey: wuxuu sheegay inuu doonayo in lagu midoobo Soomaaliya.

AS: Waa si fiican, Waxay ila tahay inaan aniguba sidoo kale cadeeyey inaanaan ka laabanayn madaxbanaanidayada. Waxaan jecelnahay inaan sii ahaano laba wadan oo saaxiib ah isna kaashada. Aniga iyo xukuumadaydu toona ma aha cida go’aan satay. Laakiin tariikhda Somaliland ayaa go’aamisay inay sii waddo inay noqoto waligeedna ahaato wadan iskii u taagan.

SOMALILANDPOST.NET