Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Socdaal Aan Hore Loo Shaacin Oo Uu Ugu Kicitimay Itoobiya

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa safar aan hore loo sii shaacin maanta ugu ambabaxay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Madaxweyne Siilaanyo oo intii aanu ka dhoofin madaarka Cigaal ee Hargeysa ayaa saxaafadda u sheegay inuu socdaal ugu baxayo dalka Itoobiya, isla markaana ay is-xogwareysan doonaan madaxda dalkaas.

Madaxweynaha oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Waxaanu u baxaynaa dalka Itoobiya, halkaasoo aanu ku tageyno safar muddo gaaban ah, Itoobiya waa dal weyn oo aynu jaar nahay, waxaana inaga dhexeeya wax wada qabsi badan iyo jaarnimo iyo baahi badan iyo wada-shaqayn, madaxdiisa ayaanu halkaa ku wada hadli doonaa, markaa waa waajib in markii muddo la joogaba la is-xog ogaado oo la wada hadlo oo danaha labada dal laga wada hadlo.”

Madaxweynaha ayaa waxa socdaalkiisan ku wehelinayay:

1.   Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde

2.   Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md M Biixi Yoonis

3.   Wasiirka Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan

4.   Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade

5.   Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md Cali Axmed Cali

6.   Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal

waxaanu madaxweynuhu intii aanu ka duulin madaarka salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, isaga oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, hareera joogaana taliyeyaasha ciidamada qaranka.

Somalilandpost.net