Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Shakhsiyaddii iyo Kaalintii uu dhismaha Waxbarashada ka soo qaatay Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa oo maanta geeriyoooday

Hargeysa (SLpost)- Alle ha u naxariistee Waxa maanta magaalada Hargeysa lagu aasay Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa Marxuum Prof Cabdi Haybe Cilmi oo isla maanta ku geeriyooday Hargeysa.

Marxuumka oo qayb-libaax leh ka soo qaatay dhismihii heerarka iyo kor-u-qaadista waxbarashada dalka, waxa shakhsiyadiisa iyo doorkii uu ka soo qaatay ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Marxuumka ku tilmaamay inuu ka mid ahaa Odayaashii ka soo qayb-qaatay waxbarashada dalka.

siilaanyoDhambaal tacsi ah oo madaxweynuhu u diray Marxuumka, waxa uu tacsi ugu diray dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo bahda waxbarashada Somaliland ee Prof Cabdi Haybe ka baxay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Waxbarashada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Prof. Cabdi Haybe Cilmi oo ku geeriyooday 14/09/2014 Magaalada Hargeysa.

Marxuumka oo ka mid ahaa Odayaashii ka soo qaybqaatay dhismaha waxbarashada Dalka, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay Jaamacadaha Dalka siiba Jaamacada Hargeysa iyo Berbera.

Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay tiir ka baxay bahda waxbarashada soona saaray ubaxa dalkani ku faanayo ee aqoonta iyo cilmiga u soo bartay dalkooda, waxaanu iftiimiyey madaxweynuhu in uu kaalin muhiima inagaga baxay marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Bahda Waxbarashada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo,” sidaas ayaa lagu sheegay dhambaalka tacsida ah ee madaxweynuhu kaga hadlay shakhsiyaddii Marxuum Cabdi Haybe.

SOMALILANDPOST.NET