Madaxweyne Siilaanyo oo ka Garaabay Tabashooyin Beesha SAAXIL ka sheegatay Maamulkiisa, Wefti-wasiirro ah oo Xaaladda Qiimeeyana u Diray Berberaso

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka garaabay cabashooyin is-dabajoog ah oo Beesha Gobolka Saaxil ka tirsatay nidaamka maamul ee Xukuumaddiisa, waxaanu wefti wasiirro ah oo cabashooyinkan soo qiimeeya loo diray Xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.

Weftiga Wasiirrada ah ee Madaxweynuhu qiimaynta cabashada reer Saaxil ugu diray Berbera, ayaa ka dambeeyey ka dib markii habeen hore Qasriga Madaxtooyada ay kula kulmeen wax-garad iyo xildhibaannada labada gole ee ka soo jeeda Beesha gobolka Saaxil (Ciise Muuse), halkaas oo ay madaxweynaha ugu gudbiyeen cabashooyin beeshaasi ka tirsanayso maamulkiisa.

Weftiga Wasiirrada ah ee Madaxweyne Siilaanyo u diray Berbera, ayaa isugu jira Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha gudaha, Agaasimeyaasha Guud ee Kalluumaysiga Maxamed (Ilka-Case) iyo Deegaanka Maxamed Faarax, kuwaas oo haatan muddo saddex maalmood ah ku sugan Berbera, waxaana magaaladaas ka bilaabeen kulan-doceedyo ay la qaadanayaan qaybaha bulshada iyo kormeerro ay ku qiimaynayaan xaaladda magaaladaasi gaar ahaana adeegyda Aasaasiga ah ee kala ahaa Biyaha, Laydhka, Dhulka, Shamiitadda, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

SiilaanyooWasiirul-dawlaha Wasaaradda Maxamed Muuse Abees oo warbaahinta qaarkeeda wax ka weydiisay ujeeddada socdaalkooda, waxa uu ku sheegay mid la xidhiidha, tabashooyinka muddooyinkii u dambeeyey ka soo yeedhaysay shacabka Berbera, kuwaas oo la xidhiidha digreeto madaxweynuhu dhawaan ku xayiray dhulka danta Guud ee Berbera.

“Socdaalkayagu waxa uu la xidhiidhaa Digreetadii Madaxweyne Axmed Maxamed uu ka soo saaray Dhulka Berbera iyo goob kasta oo ka mid ah meelaha wax ka qabashada u baahan, saaka ayaanu bilownay waananu joogaynaa ilaa inta ay hawshaasi naga dhamaanayso,” ayuu yidhi Md Maxamed Muuse.

Si kasta ha ahaatee, tallaabadan ayaa noqonaysa markii u horreysay madaxweyne Siilaanyo ka garaabo tabashooyin beesha gobolka Saaxil ka tirsato Maamulkiisa, waxaanay muhiimadda ugu weyn ee arrintani la xidhiidha digrooto muran ka dhex-dhalisay bulshada Berbera oo Madaxweyne Siilaanyo ku xayiray Dhul loogu yeedho Free Zone (Hanti Guud), balse qaybo ka mid ah hore loo siiyey shakhsiyaad sharci iyo Dhismeba u samaystay dhulkaas.

SOMALILANDPOST.NET